Dowlada Soomaaliya Oo Ciidamo Cusub Geysay Gobolka Gedo – SAWIRO

Published: March 19, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidan iyo hub waxaa ay ka dejisay degmada Doolow  ee gobolka Gedo, waxaana galabta degmadaasi gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ayaa waxaa ciidamadan ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Gedo, Bakool Kooke iyo Saraakiil kale oo ka tirsan millateriga Soomaaliya.

Ciidamada la geeyey Gedo ayaa kusoo beegmaya xili gobolkaasi ka jiraan abaaro sababay cuno yari iyo biyo la’aan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *