Dowlada Soomaaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Xafiiska UNSOM

Published: August 30, 2020

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM u gudbisay madaxweynaha golaha Qaramada Midoobay Tijjani Muhammad-Bande.

Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Abukar Daahir Cismaan Baalle oo gudbiyey dacwada ayuu ku eedeeyey xafiiska UNSOM inay yar tahay awooda ay ku bixiyaan taageerada siyaasadeed iyo caawinaada farsamo ee ku saabsan ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya.

“In kasta oo ay jiraan horumar ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talaabsatay sannadihii ugu dambeeyay, UNSOM waxay umuuqataa inaysan faafinayn dadaalka iyo himilooyinka la xaqiijiyey ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka waday dhulka. Tani waxay sababtay in howlaha ergada ay noqdaan kuwa falcelin ka sameeya dhacdooyinka, iyadoo ay yartahay awooda ay ku bixiso taageero siyaasadeed iyo caawinaad farsamo oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee aasaaska u ah ajandaha dowlad dhisida Soomaaliya,” 

Danjire Abukar Baalle

Sidoo kale dowlada Soomaaliya ayaa ka digtay inuu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya soo farageliyo arrimaha ku saabsan doorashada ka dhacaysa dalka 2021.

Hoos ka akhriso nuqulka dacwada:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Danjire abuukar waan ku raacsanahy in ay caga jiidayaan UNSOM siyaabo badan o technical ah oo ay soomaaliya gacan ku siin lahaayeen.

  2. abuukar baale excellent job, waan ku hambalyenayaa walaalkeen shaqada xilkasnimada ku dhehan tahay ee u hayo dalka iyo umada somsliyeed somalina horeey ugu mahmahday oo tiri ” Meel ka muuqo ama ka maqnoow”.

  3. Dabcan Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay rabtaa inay shacabka Soomaaliyeed ku marin habaabiso oo ka dhaadhiciso “sharafteena iyo sumcaddeena ayaan soo celshaneeynaa” oo ay isku arkaan inay yihiin kuwo ka shaqeeynaya danta ummadda, hadday taladu gacantooda ka baxdana uu dalku masiibooyin waaweeyn ku habsandoonaan. Lkn waxay hilmaansan yihiin inay ayagu yihiin kuwa xaaladda adag ee dalka ka jirta inay wax ka qabtaan iskaba daaye carqalad ku ah midnimada iyo dawladnimadeena.
    Cid alaala iyo ciddii ayaga runta u sheegta ama ka sheegta way dacweeynayaan. Waxaad moodaa inay ku dayanayaan Donald Trump iyo Kim Jun Un hoggaamiyaha Wuqooyiga Kuuriya.
    Masaajidka ciyaarta ka daaya meeshana ka kaca rag baa tihiine. Maxaa doorashada uga baqaysaan? Inaysan soo noqoneeyn bay ogyihiin.
    Kuwa ka khayr badan Allah noogu badalo.