Dowlada Soomaaliya oo hawlgal ku dishay 30 horjooge oo ka tirsan Alshabaab

Published: March 19, 2024
Shares26

Howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida  iyo saaxiibbada caalamka ayaa lagu dilay 39 horjooge oo ka tirsan Alshabaab, kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalkan ayaa dhacay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta malleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaas oo waday abaabul ay ku dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad.

Sidoo kale, dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay howlgalladan ayay Khawaarijtu geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fullaay.

Dhanka kale, Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla dhanka xeebta Muqdisho illaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellada hoose oo si dhuumaalaysi ah ay Khawaarijtu isku dayayeen inay u kusoo galaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu mahad celisay shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan oo ay garab istaagaan Ciidanka Qalabka sida.

Horseed Media