Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay guulaha laga gaaray dagaalka Al-shabaab

Published: February 8, 2023
Shares2

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo madaxa hawlgalka ATMIS Danjire  Maxamed  El-Amine Souef ayaa ka hadlay guulaha dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyada bulshada deegaannada laga xorreeyey.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab guulo badan laga gaaray iyadoo laga qabsaday deegaaano badan.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in weli ciidamada dowladda ay sii wadaan howlgallo milatari ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay kordhayaan tirada Al-shabaab ee isa soo dhiibay maalmihii u dambeeyey iyagoo ka faa’iidaysanaya baaqii dowladda ee ahaa in naftooda badbaadsadaan.

Horseed Media