Dowlada Soomaaliya oo shaacisay in tirada dadka qaba COVID-19 ay gaartay 7 ruux.

Published: April 4, 2020

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Federalka ayaa sheegtay in laga helay gudaha Soomaaliya Labo kiis oo cusub oo ah cudurka dunidda ku faafaya ee Coronovirus ama Covid-19 labadaan qof ee cusub ee laga helay cudurkaan ayaa ah muwaadin soomaali ah iyo qof ajnabi ah.

Warbixin ay baahisay Wasaaraadda caafimaadka ayaa lagu sheegay in guud ahaan tirada dadka cudurkan qaba ay gaarayaan 7 ruux. Hase yeeshee Wasaaradda ayaan cadeyn halka ay ku sugan yihiin labadan ruux ee laga helay cudurka.

Dawladu waxay xaqiijisay in qofna uusan ugu dhiman Caabuqaan gudaha Soomaaliya sidoo kalena uu jiro shakhsi kale oo laga helay kana bogsooday cudurkaan.

Tirada dadka Soomaalida ah ee qaba cudurka Coronavirus kuna sugan gudaha Soomaaliya ayaa aad uga yar tirada dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ee laga helay cudurkan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *