Dowlada Soomaaliya Oo Taageero u Muujisay China, Xiisada Jasiirada Taiwan

Published: August 6, 2022

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida dalweynaha Shiinaha.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadeenaysaa taageerada buuxda oo ay u heyso in Shiinaha difaacdo Madaxbanaanidooda, waxaana laga maarmaan ah in la xushmeeyo Midnimada China, Jasiirada Taiwan waa qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.

Wasaarada Arrimaha Dibada Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya iyo China ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah, gaar ahaan dhanka diblumaasiyada, ganacsiga iyo horumarinta, sidoo kalena ay ka wada shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah oo ay labada wadan xubnaha ka yihiin.

Nancy Pelosi Taiwan

Warka kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo beegay xili ay jirto xiisada u dhaxeysa Dowlada Shiinaha iyo Maraykanka kadib socdaalkii ay todobaadkii tagay ku tagtay jasiirada Taiwan, Guddoomiyaha Kongareeska Maraykanka Nancy Pelosi, arrintaasi oo ay dowlada Shiinaha si weyn uga carootay.

Taiwan ayaa dhawaan xiriir la sameysatay maamulka Somaliland ee sheegay inuu Soomaaliya ka goostay, tilaabadaasi oo ay horey u cambaareysay dowlada Soomaaliya oo sii adkeysay xiriirkii ay lalaheyd dowlada China.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *