Dowlada Soomaaliya Oo Tababar Usoo Xirtay Saraakiil Ciidan

Published: July 23, 2020

Dowlada Soomaaliya ayaa maanta tababar usoo xirtay saraakiil ciidan oo isugu jirey leyli sarkaal, saraakiil xigeen iyo ururo ka tirsan ciidanka Gorgor oo lagu tababaray dugsiga Turksom ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada tababarka lagu soo xirayey ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha shacabka, wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, taliyaha ciidanka xooga dalka iyo masuuliyiin kale.

Dhamaan madaxda ayaa ciidanka qalanjebiyey kula dardaarmay inay howl adag sugeyso taasoo ah difaaca sharafka iyo qaranimada Soomaaliyeed, lagana doonayo aqoonta ay barteen inay ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Dugsiga tababarada Turksom oo ay sanadkii 2017 dowlada Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kasoo baxay dufcado kala duwan oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *