Dowlada Talyaaniga Oo Deeq Ku Wareejisey Maamulka Gobolka Banaadir

Published: December 9, 2020

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegay agab kala duwan sida gaadiidka dab-demiska.

Guddoomiyaha ayaa saraakiisha sare ee dowladda Talyaaniga ee ka jooga Soomaaliya ka guddoomay agabka oo ah mid loogu talagalay deb-demiska ayaa waxaa uu ka koobanyahay gaadiid, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha gurmadka dega degga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Basma Caamir Axmed ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay agabkan ay soo gaarsiiyeen iyo taageerada ay la garab taaganyihiin maamulka Gobolka Banaadir.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *