Dowlada Turkiga Oo Canbaareysay Weerar Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Published: November 28, 2020
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii argagixiso ee ay ku dhinteen dhalinyarada kaas oo ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda iyo shacabka Turkiga aad uga tiiraanyoodeen dhacdadaasi arxan la’aanta ah ee lagu laayay dadkaasi oo ku sugnaa maqaayadda Gelato Divino.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”

War-saxaafadeedka Turkiga

Sidoo kale waxaa qaraxan isla xalay si kulul u canbaaraysay dowlada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *