Dowlada UK oo 8 milyan ugu deeqday gargaarka Abaaraha Soomaaliya

Published: February 7, 2022

Ergeyga gaarka ah ee UK u qaabilsan ka hortagga macluusha iyo arrimaha bini’aadantinimada, Nick Dyer oo booqasho ku yimid Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay taakuladan dheeraadka ah oo ay ugu talogaleen dalka Soomaaaliya.

Ergeyga Gaarka ah Nick Dyer, oo booqasho ku yimid Soomaaliya usbuucan ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay Raysalwasaare Rooble.

Intii uu ku sugnaa Soomaaliya, Mr Dyer wuxuu ku dhawaaqay deeqdan dheeriga ah oo gaareysa $8 milyan (£5.5 milyan) si wax looga qabto saameynta abaarta.

Deeqdan ayaa dheeraad ku ah $10 milyan oo ay dowlada UK bishii Janaayo ku dhawaaqay Wasiirka UK ee Afrika, Vicky Ford.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *