Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in kooxda ay ku jiraan calooshood u shaqeystayaal qaarkood u dhashay Mareykanka.
Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku dhawaaqay in la xiray koox ajaaniib ah oo “calooshood u shaqeystayaal ah”, oo ay ku jiraan muwaadiniin Colombia iyo Mareykanka ah, kuwaas oo uu sheegay in ay wadeen qorshe ay kaga hortagayaan caleema saarkiisa dabayaaqada todobaadkan.
Maduro ayaa Talaadadii sheegay in kooxdu ay qorshaynaysay “falal argagixisanimo” ka hor xafladda caleema saarka ee jimcaha, isaga oo ku sifeeyay laba nin oo Colombian ah, saddex “calooshood u shaqeystayaal” oo ka soo jeeda dagaalka Ukraine iyo laba muwaadin oo Maraykan ah.
Waxa uu sheegay in dadka Maraykanka ah ee la xidhay ay ahaayeen “xubno sar sare,” balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddayn.
“Waxaan hubaa in saacadaha soo socda, ay qiran doonaan,” ayuu raaciyay.
“Maanta oo keliya, waxaan qabannay toddobo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah, oo ay ku jiraan laba calooshood u shaqeystayaal muhiim ah oo ka yimid Mareykanka,” ayuu ku yiri hadal laga sii daayay telefishinka dowladda, ka hor inta uusan ku dhawaaqin in ciidamo badan oo booliis iyo milateri ah dalka oo dhan la geeyay.
Maduro, oo lagu wado inuu xafiiska la wareego markii saddexaad jimcaha ka dib doorashadii lagu murmay ee bishii July ee la soo dhaafay, ayaa sheegay in kooxdan lagu qabtay goobo kala duwan oo ka tirsan Venezuela.
Horseed Media