Dowladaha Soomaaliya & Qatar oo heshiis ka gaaray arimo muhiim u ah labada dal

Published: May 17, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al shabaab, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalka Al-shabaab iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha  Gobolka Geeska Afrika.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka. 

Horseed Media