Dowladda Britain oo dhaqaale caafimaadka lagu horumarinayo Soomaaliya ugu deeqday

Published: February 27, 2012

Hay’adda u qaabilsan dowladda Britian dhanka horumarinta ayaa dhaqaale 50-milyan ku dhow ugu deeqday dalka Soomaaliya.

Dhaqaalahaas oo intiisa badan loo adeegsan doono daryeelka dhanka caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga dhawaaqay shir ka dhacay magaalada London.

Shirkaas oo ay yeesheen guddiga caafimaadka ee Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah waxaa Puntland uga qayb galay wasiirka caafimaada Dr. Cali Cabdilaahi Warsame.

Dr.Cali oo kamid ahaa ergadii Puntland ee tegey shirkii London ayaa mar uu u waramay BBC-da wuxuu ka warbixiyey qaabkii dhaqaalahaasi uu ku yimid iyo dhinacyada loo adeegsan doono.

Wuxuuna sheegay in dhaqaalahaas oo 46-melyan oo Doolarka Maraykanka ah gaarayaa ay ku deeqday hay’adda Britain u qaabilsan horumarinta uuna yahay mid loo adeegsan doono horumarinta caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in si gaar ah diiradda loo soo daano tayeynta xarumaha caafimaadka iyo daryeelka ubadka yaryar iyo hooyooyinka maadaamada Soomaaliya uu yahay wadanka 5-aad ee dhinaca caafimaadka dunida ugu liita.

Dowladda Britain oo kamid ah wadamadii dalka Soomaaliya horay usoo gumeystey waxay sanadihii u danbeeyey u muuqaneysey mid si gaar ah isha ugu haysa dalka mudada dowlad la’aanta ahaa ee Soomaaliya.

Todobaadkii hore dabayaaqadiisii ayeyna ahayd markii magaalada London lagu qabtay shir hal maarin socdey oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 50-dowladood kaas oo looga hadlayey xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya.

 

Horseed Media