Dowladda Federaal oo sheegtay inay 90 Al-shabaab ah ku dhishay Shabellada dhexe

Published: December 16, 2022
Shares10

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 90 ka tirsan Al-shabaab ay ku dishay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay ee ka tirsan gobolka Shabellada dhexe.

Dowladda ayaansheegay inay halkaas isku uruursanayeen boqolaal ka tirsan Ururka Alshabaab.

Wasiirka ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo faahfaahin ka bixiyay howlagalka, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya saaxibada caalamka ay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Juxaay.

Wasiir Caddaala, ayaa sidoo kale sheegay in hub iyo saanad ay ka qabsadeen Ururka Al-shabaab ee ay kula dagaallameen halkaasi.

Howlgalkaasi ayaa qeyb ka ah dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula kirto kooxda Al-shabaab oo bilihii lasoo dhaafay ka socda gobolka SH/Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda ay si rasmi ah ula wareegeen degmada Aadan Yabaal oo aheyd xarunta ugu weyn Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabellada dhexe.

Horseed Media