Dowladda Federaalka & Bangiga Horumarinta Afrika oo ka wada hadlay hannaanka Deyn Cafinta

Published: January 28, 2023

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr.  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dakar ee dalka Senegal kulan kula yeeshay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) Dr. Akinwumi Adesina iyo xubno sare oo ka tirsan Bangiga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Bangiga xaalada Dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumar laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay.

Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw. Wasiirka ayaa u sheegay Bangiga in Soomaaliya marka deymaha laga cafiyo ay mashaariic badan u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina ayaa ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.

Horseed Media