Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo heshiis ka gaaray arimaha waxbarashada

Published: October 20, 2022

Shir muddo Labo maalmood ah socday oo u dhaxeeyay Wasaaradda Wabarashada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha waxbarashada Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir waxaa laga so o saaray Warmurtiyeed ka kooban ilaa lix qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. In la joogteeyo kulamada Wasiirada Waxbarashada ee Dowladda Fedaraalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah, si looga tashado xaaladaha jira, xalna loogu helo caqabadaha waxbarashada haysta.
  2. In la qabto Shirweynaha Dib u-jihaynta Waxbarashada ee Soomaaliya, si loo helo talo wax ku ool ah, iyadoo lagu martigelin doono daneeyayaasha waxbarashada ee heer dowladeed ah iyo kuwa aan dawladda ahayn.
  3. In dib u-eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasadda waxbarashada qaranka, si loo helo hannaan cad oo qeexaya jihaynta iyo maaraynta waxbrashada dalka, kaasoo waafaqsan nidaamka federaaliga iyoshuruucda kale ee dalka.
  4. In macallinku yahay udub dhexaadka waxbarashada ee dhanka baahinta iyo tayo dhawrkaba. Waxaa laysla go’aamiyey in dhaqaalaha ugu badan ee waxbarashada loo jiheeyo sare u qaadida aqoonta, shaqaalaysiinta iyohorumarinta xirfadda macallinimada, iyadoo la waafajinayo hannaanka caalamiga ah ee tayaynta macallinka.
  5. In ay biyo kama dhibcaan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dawlad Goboleedyada ay waxbarashada u qoondeeyaan miisaaniyad waalidiinta Soomaaliyeed ka khafifisa culayska dhaqaalaha waxbarashada, taas oo dabooli karta baahida malaayinta carruurta ah ee aan haysan fursado waxbarasho. Waxaan shaki lahayn in maalgalinta adeegga waxbarashada ubadkeenna aan lagu maarayn karin mashaariic kooban (Project based funding) oo hay’ado ay bixiyaan oo kaliya.
  6. In waddada kaliya ee furan si waxbarashada dalkeenna loo horumariyo ay tahay in laga wada shaqeeyo waxbarasho heshiis lagu yahay oo waafaqsan nidaamka federaaliga ah iyo shuruucda dalka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxbarashada gabdhaha, barakacayaasha, dadka qaba baahiyaha gaarkaah iyo kuwa halista ugu jira in ay u gacan galaan kooxaha afkaarta gurracan iyoxasillooni darrada dalka ka wada.

Horseed Media