Dowladda Federaalka oo Shirkadda Albayrak heshiiska dekadda u cusbooneysiisey

Published: August 19, 2020

Shir qaatey shan maalmood oo u socdey wefdi ka socda Dowladda Federaalka iyo shirkadda Albayrak ee Turkiga ah ee maamusha dekadda weyn ee Muqdisho ayaa ugu danbeyn heshiis laga gaarey.

Wefsiga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa, Siihayaha Wasiirka Dekadaha iyo Gaaiidka badda Maryan Aweys, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, la taliyaal ka socdey xafiiska raysalwasaaraha, waxanaa heshiiska saxiixdey Maryan Aweys.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Jaamac cabdullaahi Caydiid ayaa sheegay in heshiiskan uu ka kooban yahay 200 oo bog aad looga fiirsadey, dhankastana laga heshiiyey.

Shirkada Albayrak Group ayaa kamid ahayd shirkado la sheegay inay u tartameen maamulida dekkada Muqdisho sanadkii 2015 waxaana ay ballan qaadeen dib u habeyn lagu sameyn doono, isla markaana lagu kordhin doono qeybo ay kusoo xiran karaan maraakiibta waaweyn.

Heshiiska ay kula wareegtey dekadda Muqdisho sanadkii 2015 ayaa gaaraayey 20 sano, waxaana la saxiixey xiligii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, labadii sano ee u danbeysey waxaa socdey dedaalo wax looga baddalaayo heshiiska, kaas oo maanta soo dhamaadey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *