War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowaldda Federaalka ayaa looga hadley doorashada Madaxweynaha iyo…
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowaldda Federaalka ayaa looga hadley doorashada Madaxweynaha iyo ururada siyaasadda ee beri ka dhacaysa Somaliland oo iyadu ku dhawaaqdey in ay Soomaaliya ka go’day 1991.
War-saxaafadedka ayaa lagu bogaadiyey doorashada Somaliland, sidoo kale waxaa baaq loo direy Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo loogu baaqey in ay hubiyaan in doorashadu ay ku jirto gacan ammaan ah.
Waa markii afaraad ee Somaliland ay qabsato doorashada Madaxweynaha oo shacabku soo doortaan tan iyo markii gooni isu taaga ay ku dhawaaqeen, sido kale waa markii addexaad ee la qabto doorashooyinka ururada siyaasadda.
HORSEED MEDIA