Dowladda Federaalka oo ka Jawaabtay Hadalkii Erdogan.

Published: January 21, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashey qorshaha ku aadan bilaabidda howlgallada Batroolka Soomaaliya,iyadoo dowladuu ay xustay in qaab daah-furnaan ah ay ku bilaaban doonaan.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa Wakaaladda Wararka (SONNA) u sheegay in xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro.

Sidaas darteed waxaan xaqiijineynaa in hawlgallada Bartoolka ay ku billaaban doonaan si daahfurnaan ah xilligeedana la sugayo.

Waraysi uu siiyay Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan Telefishanka NTV ee Turkigu ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay wadankiisa Turkiga ku casuumtay inay shidaal ka baarta baddeeda, 

Madaxweyne Erdogen ayaa hadalkan yiri xili uu ka soo laabtay Shirkii Berlin ee looga hadlayay arrimaha wadanka Liibiya, madaxweynaha oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah ayaa sheegay inay qaadayaan tallaaboyin waafqsan casuumadda dowladiisa ay u fidisay dowladda federaalka Somalia

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *