Golaha wasiirada dowlada federaalka ayaa ku amray Garyaqaanka guud ee qaranka inuu bilaabo dacwad ka dhan ah Madoobe
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga biyo-diiday doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, taasoo mar saddexaad loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) inuu noqdo hoggaamiyaha Jubaland. Shir deg deg ah oo ay yeesheen golaha wasiirada dowlada federaalka ayaa ku amartay Garyaqaanka guud ee qaranka inuu bilaabo dacwooyinka sharciga ah ee ka dhanka ah Madoobe iyo hanaanka doorashada.
Golaha wasiirada federaalku waxay soo saareen dukumeenti ay ku sheegeen sababo badan oo ay kaga soo horjeedaan sharcinimada doorashada. Eedeymaha muhiimka ah waxaa ka mid ah:
- Hannaanka doorasho ee sharci darrada ah: Dawladdu waxay ku andacoonaysaa in doorashadu jabisay sharciga 24 ee soo baxay 31 March 2024.
- Guddi doorasho oo aan sax ahayn: Golaha wasiirradu waxay ku eedeeyeen in guddiga doorashada uu si sharci darro ah u magacaabay Madoobe.
- Soo xulista wakiillada oo aan loo marin hannaan ax ah: Habka soo xulista xubnaha Golaha Wakiillada waxa loo arkaa sharci-darro.
Dowladda ayaa ku amartay Garyaqaanka Guud ee Qaranka inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda Sare, in doorashada aysan sax ahayn, isla markaana la doonayo in la baabi’iyo dib u doorashada Madoobe sharcigana lala tiigsado sida ay Dowladdu sheegtay.
Talaabadan ayaa sii kordhineysa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, taasoo muujineysa iska hor imaadyo dhanka sharciga iyo siyaasadda ah oo ay barbar socdaan kuwo ciidan, kadib markii Dowalddu maanta la wareegtey Raas-Kaambooni.
HORSEED MEDIA