Dowladda Federaalka oo Manhaj 13 Maado Ka Kooban u Qaybisay Ardayda Muqdisho

Published: September 2, 2020

Wasaarada waxbarashada ee xukuumadda federaalka ee somaliya ayaa maanta soo bandhigtay Manhajka dugsiyada sare oo ka kooban 13 Maado oo lagu qoray luuqadaha Somaliga, carabiga iyo Ingiriiska.

Daahfurka manhajka ayaa waxaa lagu qabtay Dugsiga Maxamuud Mire ee Muqdisho, waxaana ka qaybgalay madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo daahfuray manhajkan ayaa ardayda u qeybiyey buugaagta manhajka, waxa uuna ku dhiirri geliyey in ay ka miro dhaliyaan hiigsigooda qofeed iyo tacabka Dowladda iyo qoysaskoodu ay ku bixinayaan.

“Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa kartida iyo aqoonta bahda qalinleyda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay sida Dowladda ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalkeenna, iyada oo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *