Dowladda Federaalka oo oggolaatay heshiiskii wax-soosaarka shidaalka ee shirkadda Coastline

Published: October 21, 2022
Shares18

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay oggolaatay heshiisyadii wadaagga wax-soosaarka shidaalka ee u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Coastline Exploration, ka dib markii dib loo saxay qodobadii ay dawladda Soomaaliya tabashada ka muujisay bishii February ee 2022, xilligaas oo ay dawladda Soomaaliya ku gacansayrtay heshiiska lala galay shirkadda Coastline Exploration.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay toosinta iyo dhammaystirka heshiisyada wadaagga wax soosaarka shidaalka, wuxuuna tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo sida ay fursad ugu tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka baxaan saboolnimada, macaluusha iyo dhibaatooyinka ay la daalaa-dhacayaan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay la daalaa-dhacayaan duruufo dhaqaale oo adag, taas oo sannad kasta laga diro qeylo dhaan iyo in aan u baahan nahay gurmadka iyo taageero caalami ah, taas si aan uga gudubno waa in aan la soo baxnaa kheyraadkeenna, horumarinnaa dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Horseed Media