Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay 49 ka tirsan Al-Shabaab ku dishay Gobalka Shabeellaha Dhexe

Published: January 19, 2023
Shares34

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay howlagal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe in lagu dilay 49 ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka NISA iyo Saaxiibada Caalamka.

Sidoo kale Dowladda waxa ay shaacisay in howlgalkan lagu beegsaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku abaabulayay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

“Howlgalka inta uu socday Al-Shabaab waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda.

Horseed Media