Dowladda Federaalka oo u jawaabtay Sheekh Shariif [Muqaal]

Published: November 11, 2019
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Hayir

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal u muqday hanjabaad oo ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadlay saacado un kadib markii uu Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay aad ula yaabtay hadalkii filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkaas filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Shiikh Axmed, hadalkaas oo filan waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkan astaan qaran usoo noqday”

ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in ay ugu baaqayaan in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado waxwalba oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Hogaamiyeyaasha Madasha xisbiyada Qaran oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, kadib markiii ay ka soo laabteen Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka ku eedeeyen in ay hor istagatay safarkoodi Magalaada Beledweyne.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *