Dowladda Federaalka oo Wada Qorshaha dib u Soo celinta Masaajidda Taariikhiga ah.

Published: December 25, 2019

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay xoogga ay saareyso dib usoo celinta Masaajidda Taariikhiga ah ee Dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkan sheegay mar uu Xalayto booqday Masjidka Faqrudiin oo ku yaalla Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir,  isagoo Bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay ka qeyb qaadashada kheyrka.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali dheere), ayaa sheegay in Masjidkan uu kamid yahay goobaha Taariikhiga ah, isagoo Ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladduba ugu baaqay in laga qeyb qaato dhismahiisa.

Sheekh Shaafici Sh Maxamed, oo ka mid ah maamulki hore ee Masjidka ayaa sheegay in  Masjidkani la dhisay 7 Qarni ka hor, isla markaana loo baahan yahay in dib u dhis weyn lagu sameeyo maaddaama uu bur-bur xooggan kasoo gaaray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *