Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay dagaalka Baydhabo

Published: December 23, 2022

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay ka xun tahay dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhinacyada loogu baaqay inay miiska wada hadalada ku xaliyaan is mari-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya, isla-markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Dagaalkan ayaa yimid, ka dib markii ciidamo ka amarqaata Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay weerareen hoyga Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee ka horyimid muddo kordhinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wararka ayaa sheegaya in weli uu dagaalku ka socdo xaafadda Berdaale, oo uu ku yaalo guriga la weeraray.

Maleeshiyaad taabacsan xubnaha musharaxiinta qaarkood ayaa la soo sheegaya in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka.

Horseed Media