Dowlada Federaalka Oo Si Kulul Uga Hadashay shixnad Hub oo Itoobiya U soo Dirtay Puntland

Published: September 20, 2024

Dowlada federaalka ee soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay soo saartay waxay kaga hadaashay labo baabuur nooca xamuulka qaada oo hub siday kuwaasi ka yimid dalka Itoobiya soona gaaray degaamada Puntland

War-Saxaafadeed oo ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada ayaa lagu sheegay in dowlada federaalka ka walaacsan tahay Shixnad Hub ah oo ay Itoobiya si Sharci Daro ah Ugu Dirtay Gudaha Maamuka Puntland ee Soomaaliya.

Dowladda federaalka waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Puntland.

Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan u aragtaa mid xad-gudub weyn ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, iyo khatar weyn oo ku wajahan amniga Qaranka.

Shixnadan Hubka oo xalay la keenay degmada Bookh ee Itoobiya ayaa saaka waxaa soo galbiyay ciidamo watay gawaari tikniko ah oo ka tirsan madaxtooyada Puntland kadib markii xalay halkaas ku weerareen maleeshiyaad doonayay inay dhacaan hubka.

Dowladda Puntland weli wax war ah kama soo saarin shixnada hubka ee ay itoobiya ug timid.

Horseedmedia