Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamada Itoobiya soo galeen Balad-Xaawo,
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysey Itoobiya waxaana ay ku eedeysey in ciidamada Itoobiya ay ka soo gubeen xuduuda Soomaaliya si sharci darro ah. War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya Jimcada maanta ah ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka Dowladda Itoobiya ay ka waddo Gobolka Gedo ay yihiin kuwo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaas wada degan.
Subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka sida lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
“…Soomaaliya waxay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa waxaa uu caadeystey inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, isla markaana uu wado tallaabooyin ka dhan ah madaxbanaanida Soomaaliya…” ayaa lagi yiri war-saxaafadeedka
Soomaaliya ayaa horey u diidey in ciidamada Dowladda Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawlgalka beddalaaya Midowga Afrika ee ATMIS, kadib heshiiskii is-afagarad ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya bilowgii sanadkan 2024 heshiiskaas oo dhigaya in marin biyood iyo saldhig mileteri Itooobiya ka hesho Badda Cas.
Xiisadda u dhaxaysa Jubaland iyo Dowladda Federaalka ayaa meel adag maraysa. Maamulka Adis Ababa ayaa wararku sheegayaan in ay tageerayaan Axmed Maxamed Islaan oo markii saddexaad loo doortey madaxweynaha Jubaland.