Dowladda Hindiya oo Soomaaliya u balan qaaday deeq dawo ah

Published: April 28, 2023
Shares34

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada XFS Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Danjiraha JFS u jooga dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit. 

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Soomaaliya ee Hindiya Cabdifafaax Cabdullahi Nur iyo Axmed Aadan Maxamed oo ah lataliye sarre.

Kulankaas ayaa looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan. 

Sidoo kale dowladda Hindiya ayaa Soomaaliya ugu deeqi doonto shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan goobaha dagaalada xooggan ay ka wadaan ciidamada Dowladda.

Dhankale Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku  yaala Magaalada New Delhi isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka ayaa  kala hadlay maamulka cisbitaalka in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga isla markaana la siiyo adeegyo hufan, waxaana uu ka  codsady in  loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada  dhaqaalaha ah.

Horseed Media