Dowladda Imaaraadka Carabta oo $100 milyan oo doollar ugu deeqday dalka Suuriya

Published: February 16, 2023

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballanqaaday in konton milyan oo dollar ($50M) oo deeq dheeri ah ay siin doonto dalka Suuriya, si wax lagaga qabto masiibada bani’aadanimo ee ka dhalatay dhulgariirka 6-dii bishan ka dhacay waqooyi galbeed dalkaasi iyo koonfurta Turkiga.

Wakaaladda Wararka ee WAM ayaa sheegtay in tani ay boqol milyan oo dollar ($100M) ka dhigeyso deeqda ay Abu Dhabi siineyso Damascus.

Toddobaadkii hore ayay Xukuumadda Abu Dhabi ku dhawaaqday in 50 milyan oo dollar oo deeq gargaar ah ugu yaboobeyso dadka dalkaasi.

Sidoo kale Tani ayaa daba-socoto codsigii Qaramada Midoobey ee Talaadadii ku dalbatay 397 milyan oo dollar, si loogu caawiyo dadka ay saameynta darani ku yeelatay dhulgariirka ka dhacay dalkan ay colaaduhu naafeeyeen.

Horseed Media