Dowladda Imaaraat-ka oo hay’adda SoDMA ku wareejisay 700 Ton oo raashiin ah

21 hours ago

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa SoDMA ku wareejiyay deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo ton.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Md. Axmed Juma Al-Rumaithi kala wareegay deeq raashin ah oo gaaraysa 700 oo ton, kaas oo loogu tala galay in lagu garab istaago dadka nugul ee abaaruhu sida daran u saameeyeen.

Hay’adda SoDMA oo xoojineysa dadaallada looga hortagayo saameynta khtaraha ka dhalan kara abaaraha ayaa 300 oo ton oo deeqdaan qeyb ka ah u gudbisay magaalada Kismaayo, halka 200 oo ton la geeyay magaalada Boosaaso. Gargaarkaan ayaa deg-deg loo gaarsiin doonaa dadka loogu tala-galay ee ku dhaqan magaalooyinkaan iyo degaanna ku xeeran.

Sidoo kale, 200 oo ton oo loogu tala galay in la gaarsiiyo degaannada gargaarka dhulka loo marsiin karo iyo gobolka Banaadir ayaa la dhigay bakhaarrada Hay’adda.

Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macallin ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.