Dowladda Ingiriiska oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya 

Published: April 18, 2023
Shares42

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u soo magacowday danjire cusub, kaas oo beddelaya safiirkii hore Ms. Kate Foster 

Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u magacowday Michael Nithavrianakis in uu noqdo safiirka cusub ee u qaabilsan Soomaaliya. 

Nithavrianakis oo ah dibloomaasi rugcaddaa ah ayaa hore uga soo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin; Pakistan, Ghana, Sacuudiga Carabiya, Talyaaniga iyo Giriiga.

Boqortooyada Ingiriiska waxa ay kamid ah dowladaha taageera Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Horseed Media