Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay kala direyso ciidanka Liyuu Booliska

Published: April 7, 2023
Shares28

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay kala dirayso dhammaan ciidankii gaarka ahaa ee dawlad deegaannadu lahaayeen ee Liyuu Booliska.

War-saxaafaddeed xukuumadda Federaalka Itoobiya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhammaan Ciddamadaas gaarka ah lagu biirin doono ciidanka heer Qaran ee Federaalka Itoobiya.

Waxaana askari walba u furan in uu ku biiri karo noocyada kala duwan ee ciidanka Federaalka sida Mileteriga iyo Booliska.

Tan ayaa ka dhigan in dawlad deegaanka laga waayi doono ciidankii caanka ahaa ee Liyuu Bilayska oo ahaa askar ay gaar u leedahay dawladdu isla markaana ku shaqayn jirey amarka madaxda dawladda deegaanka.

Horseed Media