Dowladda Itoobiya oo liiska argagixisada ka saartay Jabhadda TPLF

Published: March 22, 2023
Shares2

Golaha Barlamaanka ee dalka Itoobiya ayaa liiska argagixisada ka saaray Jabhadda TPLF oo lagu diray xiligii uu dagaalki ka socday Gobolka Tigrey.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii nabadeed ay labada dhinaca sanadkii hore ku kala saxeexdeen dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale heshiiskaas, waxaa qeyb ka ahaa in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada.

Adeegyadaas waxaa kamid ah gargaarka banii’aadanimo in la gaarsiiyo shacabka iyo hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada Tigray si ay qeyb uga noqdaan ciidamada dowladda.

Horseed Media