Dowladda Itoobiya oo xabad-joojin ugu baaqday TPLF

Published: March 25, 2022

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa soo jeedisay in xabad joojin laga galo dagaalka ay kula jirto falaagada TPLF ee Tigray, oo waqooyiga wadankaas ay ku dagaalamayaan mudo hal sano iyo bilooyin ah.

Dagaalka sokeeye ee ka qarxay Itoobiya ayaa in ka badan shan malyan oo qof ku qasbay in ay u baahdaan gargaar cunto, kaas oo aysan heli karin ilaa iyo bishii December.

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa ku eedaysay TPLF inay jartay wadooyinkii gargaarka loo marin lahaa shacabka.

Go’aanka dawladda Itoobiya ayaa imaanaya kadib booqashadii wakiilka gaarka ah ee Maraykanka ee Geeska Afrika David Satterfield uu ku tegay dalkaas. Kooxda Tigreyga ayaan ilaa hadda ka jawaabin talaabada ay dawladda Itoobiya qaaday.

Dagaalka Itoobiya ayaa qarxay bishii November ee sanadkii 2020 kii kadib mudo bilo ahayd oo ay jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay dawlada Itoobiya iyo ururka TPLF ee xukumayay gobolka Tigray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *