Dowladda Jabuuti oo dhisaneysa waddo halbowle u noqon doonta ganacsiga dalkeeda

17 June, 2024

Gudaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la daahfuray mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xiri doonta…

Gudaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la daahfuray mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xiri doonta gobolada Koonfurta ee dalkaas.

Ujeedka mashruucaan ayay dawladdu ku sheegtay horumarinta isku xidhka gobolka iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee deegaanada ay mari doonto.

Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas ayaa ah maalgaliyeyaasha mashruucaan wadada isku xirta Doudoubalala iyo Dikhil. Djibouti SA iyo Salaam Bank ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa bixin doona guud ahaan lacagta ku bixi doonta mashruucaan oo ku kacaya $15 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaana waxaa la sheegay in mashruuca ay gacanta ku hayso shirkad iyana maxalli ah oo lagu magacaabo Al Nasri, taas oo laga rajeynayo in ay ku dhameyso mashruuca muddo 8 bilood ah.

Horseed Media