Dowladda Masar : “Waxaan ka soo horjeednaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”

Published: January 3, 2024

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa maanta ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda in loo baahan yahay in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay: “Jamhuuriyadda Masar waxay ka soo horjeedaa tallaabo kasta oo wax u dhimaysa qarannimada Soomaaliya”, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo kaliya ay xaq u leeyihiin inay ka faa’iidaystaan kheyraadkooda.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa aad uga mahad-celisay bayaannada ay soo saaraan dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba, kuwaas oo dhinac uga soo horjeestay tallaabooyinka lidka ku ah xasilloonida Geeska Afrika, siina xoojinaya xiisadda u dhaxaysa dalalka gobolka.

Masar ayaa adkaysay baahida loo qabo in la ixtiraamo shuruucda u degsan Midowga Afrika, oo ay ku jiraan difaaca madax-bannaanida dhuleed iyo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah.

Horseed Media