Dowladda oo walaac ka muujisay xarig Wadanka Zambia loogu geystay dad Soomaali ah

Published: October 30, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay dhibaatooyin lasoo gudboonaaday Soomaalida kunool wadanka Zambia oo ay kamid tahay xarig wadareed loo geystay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si dhow ah ula socdaan xarigga aan kala sooca lahayn ee lagula kacay dad Soomaaliyeed oo kunool magaalada Ndola ee Zambia.

Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamigaa ah waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay.

ayaa lagu qoraalka kasoo baxay wasaaradda

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku howlantahay sidii ay cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia oo ku aadan xarigga loo geystay dad Soomaaliyeed, loona xalin lahaa si degdeg ah dhacdada aadka looga xumaaday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *