Dowladda Puntland oo baaq u dirtay hay’addaha gargaarka, deeq-bixiyayaasha iyo beesha caalamka

1 day ago

Dowladda Puntland ayaa maanta baaq u dirtay saaxiibada beesha Caalamka, kaas oo ku aadan dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish iyo Al shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari iyo Calmadow ee gobolka Sanaag.

Baaqan ayaa laga soo saaray shirkii maanta golaha wasiiradda Puntland ay ku yeesheen magaalada Boosaaso, kaasoo uu shir guddoominayey madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa ugu horayn bogaadiyey ciidamada hawlgalka ciribtirka argagixisada buuraha Puntland, kuwaas oo gaaray guulo is-dabajoog ah intii uu socday hawgalka.

Intaasi kadibna waxay ugu baaqeen saaxiibadda beesha caalamka, hay’addaha gargaarka, UN-ka, US-AID iyo deeq-bixiyayaasha kale in gurmad lala soo gaaro shacabka deegaanada laga sifeeyey argagixisada, maadaama ay dad badan ka barakaceen deegaannada hawlgalku ka socdo ee buuralayda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Kulanka golaha wasiiradda waxa kale oo looga hadlay xaaladda Waddooyinka Boosaaso, iyadoo ay Dowladda hoose ee Boosaaso iyo Dowladda dhexe ee Puntland iska kaashanayaan dib-u-furida Wadooyinka Boosaaso si kor loogu qaado bilicda iyo Amniga magaalada, sidoo kale waxaa Golaha kasoo baxay in la dardargeliyo shaqooyinka hore u socday ee dhismaha, dayactirka iyo dib-u-habeynta waddooyinka gobolada Puntland.

Horseed Media