Dowladda Puntland Oo Garoomadeeda Diyaaradaha Ka Joojisay Drones-ka

Published: February 4, 2024
Shares12

Dowladda Puntland ayaa Garoomadeeda Diyaaradaha ka mamnuucday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda duulista hawada iyo garoomadda Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba la mamnuucay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn inay yimaadaan xeyn-daabka garoomada Puntland.

Go’aankan ayaa yimid kadib hadalhayn ka dhalatay sawiro maalmihii soo dhowaynta wufuuda caleemasaarka ka qaybgalaysay laga qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Maxamed Abshir, Garoowe.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media