Dowladda Shiinaha oo si weyn u taageertay midnimada dhuleed Ee Soomaaliya

Published: January 11, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda shiinaha ee madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya ay u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Horseed Media