Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Afrika oo ka wada hadlay Mashaariicdii 2022-24

Published: March 26, 2024

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa maanta furay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika, shirkaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu ka fuliyay dalka 2022- 2024.

Shirkan oo socon doono muddo laba cisho ah isla markaana ay qayb ka yihiin dhammaan hay’adaha dowladda ayaa lagu qiimeyn doonaa mashaariicda Bankiga horumarinta Afrika uu maal gelinayay sanadihii lasoo dhaafay, wax qabadkoodii iyo caqabadihii uu la kulmay.

Qiimeyntan ayaa saldhig u noqon doono qorshaha Bankiga horumarinta Afrika uu diyaarinayo shanta sano ee soo socoto, sida uu sheegay Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige ayaa Bankiga horumarinta Afrika ugu mahad celiyay doorka ay ka qaateen kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhiirri gelinta maalgashiga iyo xasaradaha ka dhasha is-beddelka cimilada.

Horseed Media