Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Published: October 2, 2022

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka  Dowladda Soomaaliya iyo Hay,adda IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horumarinta maaliyadda Dalka,

Shirka ayaa waxaa lagu lafa-gurayo heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray xoojinta dhaqaalaha mustaqbal ka dhaw ee dalka.

Wasiirka ayaa u mahadcelinayay dhammaan hay’adaha Dowladda ee shirka kala qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiisyada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.

Horseed Media