Dowladda Soomaaliya oo ardaydii ugu horreysay kasoo saartay dalka Suudaan

Published: April 21, 2023
Shares36

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ardayda Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Sudan ay u daadgureysay dalka Itoobiya.

Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari ayaa sheegay in ilaa hadda 50 ka mid ah ardaydan la geeyay xuduudda Itoobniya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay safaaradda Soomaaliya diyaarisay gaadiidkii ardayda kale looga soo bixin lahaa dalkaas Suudaan.

Danjire Diinaari ayaa intaas ku daray in maalmaha soo socda ay arday u gudbin doonaan gudaha Itoobiya, iyada oo kaddibna loo qaadi doono Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa hore u sheegay inay dowladda Soomaaliya uga codsadeen inay ka daadgurayso dalkaas.

Horseed Media