Dowladda Soomaaliya oo degmada Ceeldheer ku soo bandhigtay xubno kasoo goostay Al-shabaab

Published: April 4, 2023

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud kusoo bandhigtay labo xubnood oo katirsan Al-shabaab oo lagu sheegay inay ahaayeen horjoogayaal.

Dowladda ayaa sheegtay in labadan xubnood oo kasoo goostay Al-shabaab ay iskusoo dhiibeen ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer.

Xubanahaan ayaa magacayadadooda lagu kala sheegay Xuseen Daahir Maalin (Dhagey) iyo Calas Ibraahim Axmed Barre.

Labadan nin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay u adkaysan waayeen xaaladaha qalafsan ee ka jira dhulka ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab gaar ahaan dhulka jiqda ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay u adkeysan waayeen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin gaajo iyo harraad inay ka jiraan meelaha ay Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka Galagduud.

Horseed Media