Dowladda Soomaaliya oo Imaaraadka ugu qeyb gashay shir looga hadlayey Arrimaha Tamarta

Published: January 15, 2023
Shares52

Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir muhiim ah uga qayb galay magaalada Abu Dhabai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta. 

Shirkan ay qeyb galeen wafdiga Soomaaliya waxaa looga hadlayey Arrimaha Tamarta is cusboonaysiisa.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA) ayaa ahaa kulankii 13Aad ee Golaha Hey’adda.

Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay Dowladaha iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay marayaan Arrimaha Tamarta(Korontada) ee Soomaaliya.

Horseed Media