Dowladda Soomaaliya oo ka digaysa fatahaado ka dhasha roobabka

Published: May 13, 2024

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay roobabka ka da’ayo Dalka, xili laga digayo inay fatahaado ku dhuftaan deegaannada ku dhow wabiyada dalka.

Roobab dhexdhexaad ah una dhexeeya 𝟓𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟏𝟎𝟎𝐦𝐦 ayaa laga filayaa in ay ka da’aan goobaha kala ah:

𝟏. 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝:- Baraawe, Kuntowarey iyo Sablaale.
𝟐. 𝐉𝐮𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝:- Badhaadhe, Buaale, Baardheere iyo Jamaame.
𝟑. 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐞:-  Beledweyne, Buleberte iyo Jowhar.

Dhanka Heer-Kulka Gobalada Dhexe ayaa ahaan doona  𝟑𝟐-𝟑𝟓°𝐂 halka Gobalada kale  Heerkul ahaan doono 𝟐𝟕-𝟑𝟎°𝐂

Horseed Media