Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta ay u soo celisay xiriirka kala dhaxeeya Cuba 46 sano kadib

Published: April 8, 2023
Shares4

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka hadashay xiriirka ay haatan la yeelatay Cuba ayaa sheegtay in aysan waxba ku jabnayn in ay xiriir cusub la yeelato dalkaas, oo kamid ah dowladihii Soomaaliya kala saftay Ethiopia dagaalka dhexmaray sanadkii 1977.

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa sheegay in aanay jirin wax diidaya in Soomaaliya ay dib usoo celiso xiriirkii ay lahayd Cuba, isagoo intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ku dhaqmayso siyaasad ku aadan inaysan ciddina cadow ka dhiganin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in caalamku ka gudbay cadowtinimo joogto ah, taas beddelkeedna loo baahan yahay in la sameysto iskaashi iyo wada shaqayn joogto ah.

Hadalka Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya ayaa ku soo aadaya maalmo kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay danjire cusub oo ay Cuba u soo magacaabatay SOomaaliya 46 sano kadib.

Horseed Media