Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qaybgashay Madasha Oslo

Published: June 14, 2023

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kaqeyb galay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo taas oo lagu falanqeeyey Wejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadib.

Wasiir Fiqi, ayaa ka hadlay dadaalada dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa la qaban doono dhowaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah Madasha Norway taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

Horseed Media