Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka carabta

Published: September 8, 2022

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka carabta oo shir ku leh magaalada Qaahira ayaa looga hadlay xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabka iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Shirkan oo ahaa kii 158-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya ugu qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo wafti uu hogaaminayay oo maalmo ka hor gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sidoo kale shirka waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha ka taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doona qaar kamid ah Wasiirada Arrimo dibadeedyada ka qeyb galaya Shirka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *